November 21, 2025

Taliska Ciidamada Puntland Oo War Ka Soo Saaray Duqeymo Ka Dhacay Buuraleyda Calmiskaad

Sida ay shaaciyeen  Taliska Howlgalka Puntland in Duqeymo culus  goordhow lagu bartilmaameedsaday kooxo hubeysan oo ku sugnaa deegaanka Ceelka Maragade ee Togga Baallade, sida uu xaqiijiyay Taliska Howlgalka Puntland.

War-saxaafadeed uu soo saaray taliska, ayaa lagu sheegay in duqeynta ay fulisay saaxiibada Dowlad Goboleedka Puntland ee Mareykanka, kuwaas oo taageeraya ciidamada Puntland ee wadday howlgal isugu jira cir iyo dhul, ujeeddadiisuna tahay in lagu wiiqo kooxaha ku dhuumaaleysanaya buuraha Cal-Miskaad.

Taliska ayaa sheegay in Duqeynta lala beegsaday kooxo hubeysan oo ku sugan Ceelka Maragade ee Togga Baallade, waxaana duqeynta fuliyey Maraykanka.

Howlgalka Hillaac, oo hadda maraya wejigiisa gabagabada, ayaa la xaqiijiyay in saacadihii lasoo dhaafay ay ciidamada Difaaca Puntland qaadeen tallaabooyin militari oo keentay in la gaaro guulo la taaban karo, iyadoo tiro ka mid ah maleeshiyada ku sugneyd aagga laga saaray goobo ay ku dhuumaaleysanayeen.

Howlgalka ayaa weli soconaya, waxaana Puntland ay sheegtay in qorshaha amniga ee gobolka uu sii socon doono ilaa laga xaqiijinayo xasillooni buuxda.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*