
Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Banaadir, G/Sare Macalin Mahdi, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Saldhigga Booliiska Degmada Wardhigley, isagoo faahfaahin ka bixiyay xaaladda guud ee amniga magaalada Muqdisho iyo dhacdooyin dhowaan ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka.

Taliyaha ayaa caddeeyay in ciidamada Booliiska ay gacanta ku dhigeen afar askari oo lagu tuhunsan yahay inay si bareer ah u dileen Axmed Siicow, oo ka mid ahaa shacabka deggan xaafadda Siinaay. Wuxuu xusay in askartaasi haatan ku jiraan xabsiga, ayna dhawaan wajahayaan cadaaladda, iyadoo maxkamad loo gudbin doono si loo marsiiyo sharciga, laguna qaado mas’uuliyadda waxyeellada loo geystay muwaadinkaasi rayidka ah.
Taliyaha ayaa sheegay in Taliska Booliiska uu ka go’an yahay ilaalinta sharciga iyo in la horgeeyo cadaaladda cid kasta oo ku xadgudubta xuquuqda shacabka, iyada oo aan loo eegayn darajada ama xilka ay hayaan.
Sidoo kale, Taliye Macalin Mahdi ayaa si adag uga digay ficillada ay wadaan xubno ka tirsan mucaaradka, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay hurinayaan colaad iyo xasilooni darro. Wuxuu caddeeyay in Booliiska Soomaaliyeed aysan marnaba u dulqaadan doonin falal wax u dhimaya nabadda, amniga iyo kala dambeynta.
Taliyaha ayaa ugu dambeyn ku celiyay ballanqaadka ah in Booliiska Gobolka Banaadir ay si daacadnimo leh ugu adeegayaan shacabka, islamarkaana aysan ogolaan doonin wax kasta oo caqabad ku ah xasilloonida iyo dowladnimada dalka.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag