October 7, 2025

Taliska Boliska Muqdisho Oo Kahdlay Xarigga Cabdiraxmaan Suleymaan oo xalay lagu xiray Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu faah-faahiyay Xarigga Cabdiraxmaan Suleymaan Jaamac oo ah  ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiyada dalka oo xalay lagu xiray Magaalada Muqdisho.

Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in xarigga Cabdiraxmaan uu yimid kadib markii  uu ku kacay falal liddi ku ah amniga qaranka, Islamarkaan ciidanka amniga ee saldhigga booliska Xamarweyne oo waajibkooda gudanaya ay xireen.

“Waxaa lagu wargalinayaa muwaadiinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan dhiiragalinta Cadawga Khawaarijta ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Dhanka kale Booliiska Soomaaliya ayaana caddeeyay in siyaasigan xabsiga la dhigay la horgeyn doono maxkamad qaadeysa kiiskiisa, waxa ayna booliiska uga digeyn muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan dhiirogelinta cadawga, iyadoona loogu hanjabay ciddii falkaasi ku kacda caddaaladda la horgeyn doono.

”Waxaa lagu wargalinayaa muwaadiinta soomaaliyeed in ay ka fogaadaan dhiiragalinta Cadawga Khawaarijta ah Ruux walba oo ku kaca falal liddi ku ah Ammanka Qaranka Waxa uu wajihidoonaa hay,addaha Cadaalada” ayaa lagu yiri warka booliiska soo saareen.

Ugu dambeyn, qoraalka Booliiska ayaa lagu sheegay in dhawaan caddaalada la horgeyn doono mas’uulkan oo ku eedeysan inuu dambiyo.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*