Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa maanta oo Khamiista yeelan doona kulan degdeg ah o ay kaga hadlayaan xaaladda Iran, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay Ergada Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhida Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa haatan haysa guddoomiyaha wareega ee Golaha Ammaanka bisha Janaayo.
“Waxaan hadda xaqiijinayaa in guddoomiyaha Golaha Ammaanka uu qorsheynayo in Khamiista, 15-ka Janaayo 2026, saacadda 3:00 galabnimo (20:00 GMT), la qabto warbixin ku saabsan xaaladda Iran, taasoo uu codsaday Mareykanka,” ayay tiri Khadiija Axmed, afhayeenka ergada Soomaaliyeed.
Dibadbaxyo rabshado wata ayaa ka qarxay magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Iran, iyadoo ay jirto xaalad dhaqaale oo sii xumaanaysa iyo hoos u dhac weyn oo ku yimid qiimaha lacagta riyalka Iran.
Wararka la xiriira tirada dadka dhintay aad ayay u kala duwan yihiin. Ilo qaar ayaa sheegaya in ku dhowaad 48 ka mid ah ciidamada ammaanka iyo 483 dibadbaxayaal ah ay dhinteen, halka ilo kale ay qiyaasayaan in tirada dhimashada ay ka badan tahay 2,000.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uga digay mas’uuliyiinta Iran in haddii dibadbaxayaasha si rabshado leh loo caburiyo, uu Mareykanku faragelin doono si uu u taageero, isla markaana uu ka qaadi doono Iran tallaabo adag.
Trump ayaa markii dambe sheegay in ilo lagu kalsoonaan karo ay u sheegeen in dilalku istaageen, isla markaana la joojin doono xukunno dil ah. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka digay in haddii dil ama xukun dil ah dib loo bilaabo, ay taasi keeni doonto jawaab ka timaadda Mareykanka.
Isagoo la hadlayay Fox News, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Seyed Abbas Araghchi, ayaa tirada badan ee khasaaraha ku eedeeyay falal ay fuliyeen waxa uu ku tilmaamay argagixiso ay hubaysay Israa’iil.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag