October 7, 2025

Soomaaliya oo sheegtay in ku simaha howlgalka Midowga Afrika uu caqabad ku yahay horumarka dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay tallaabo ciqaabeed ka qaadayso Sivuyile Thandikhaya oo ah ku simaha Madaxa howlgalka kala guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo ku eedeysay inuu taageero u muujiyay AS.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi oo si adag u dhaliilay mas’uulkan inuu buunbuuniyay AS isla markaana uu ka dhigay dowlad sharciyad leh oo si nidaamsan ku shaqeysa.

Ninka sii haya AUSSOM wuxuu caadeystay inuu si muuqata u noqdo taageere AS, mucaarad dowladda ah iyo qof xaasid ku ah horumarka Soomaaliya, mudaan ka aamusneyn, balse isaga is qarin waayay, dowladda tallaabo ayay qaaday, shacabka waan u faahfaahin doonaa,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mas’uulkaasi ka qaadi doonto tallaabo sharci ah, isagoo tilmaamay in hadallada uu jeediyay ay yihiin kuwo marin habaabin ah oo khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida dalka.

Sivuyile Thandikhaya oo ka soo jeeda dalka Koofur Afrika ayaa 25 kii bisha Febraayo noqday  ku simaha Madaxa howlgalka kala guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), welina kama uusan hadlin eedaha ay Dowladda Soomaaliya u jeedisay.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*