October 7, 2025

Soomaaliya Oo Hambalyo u Dirtay Baxrayn Oo Loo Doortay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu hambalyeysay Boqortooyada Baxrayn guusha ay ka gaartay doorashadii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo Talaadadii ka dhacday magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Boqortooyada Baxrayn ayaa loo doortay xubin aan joogto ahayn oo mataleysa  Aasiya, xilli uu socdo xulista xubnaha cusub ee Golaha Ammaanka, oo xilkaasi hayn doona inta u dhaxaysa 2026 illaa 2027.

Dhanka kale Dowlada Soomaaliya oo hadda xubin ka ah Golaha Ammaanka muddo laba sano ah (2025–2026), ayaa sheegtay inay si weyn u soo dhoweynayso doorashada Baxrayn, isla markaana ay rajaynayso wada-shaqeyn laba geesood ah oo ku saleysan danta wadajirka ah ee dalalka Carabta iyo Muslimiinta.

Soomaaliya waxay si gaar ah u xustay muhiimadda ay leedahay u doodista arrinta Falastiin, oo ah mid kamid ah mudnaanta la wadaago.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Kolombiya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Jamhuuriyadda Latfiya, iyo Jamhuuriyadda Liberia, kuwaas oo isna loo doortay xubno aan joogto ahayn ee Golaha Ammaanka muddo laba sano ah oo bilaabanaysa Janaayo 2026.

Soomaaliya waxay ballanqaadday inay si dhow ula shaqayn doonto dhammaan dalalkan saaxiibka ah si loo horumariyo nabadda, amniga iyo xasiloonida caalamka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*