October 7, 2025

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo kulamo gaar gaar ah ka bilaabay Muqdisho

Siyaasiyiinta mucaaradka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay kulamo gaar-gaar ah oo ka socda magaalada Muqdisho, kuwaas oo horudhac  ah shir ballaaran oo lagu wado in uu todobaadka soo socda ka dhaco caasimadda Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo Ra’iisul Wasaareyaashii hore  ee dalka Xasan Cali Khayre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka mid ah siyaasiyiinta saaka gaaray xarunta Macallin Nuur oo martiqaad rasmi ah loogu sameeyay.

Kulammadan ayaa lagu sheegay kuwo is xogwareysi ah, is-faham iyo isku dubbarid siyaasadeed u ah madaxda mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in kulammada lagu lafa gurayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashooyinka, amniga, iyo doorka mucaaradka ee hanaanka siyaasadeed ee haatan socda.

Waxaa la filayaa in shir weyn oo ay ka qeyb galayaan siyaasiyiin miisaan leh, xildhibaano hore iyo kuwa haatan jooga, iyo ururada bulshada rayidka uu todobaadka socda ka furmo Muqdisho.

Shirkan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah mideynta mowqifka mucaaradka iyo inay la yimaadaan aragti mideysan oo ku aaddan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*