October 7, 2025

Siyaasiyiinta  mucaaradka ee Soomaaliya Oo Muqdisho Shir Uga Furmay

magaalada Muqdisho Waxaa Maanta  ka furmay shirka Siyaasiyiinta  mucaaradka ee Soomaaliya, kaasi oo socon doono muddo Seddex maalmood ah.

Madaxwaynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa daahfuray shirwaynaha hoggaamiyaasha siyaasadda ee ka aragtida duwan habka madaxda dowladda Federaalka ah ay u maareynayaan doorashooyinka lagu muransanyahay.

Shirka ayaa diirrada lagu saarayaa sidii looga gudbi lahaa caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira dalka iyo sidii xal lagu heli lahaa hannaan doorasho oo loo dhanyahay.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa waxaa ay ka soo hor jeedaan hannaanka dowladdu ay ku dooneyso inay dalka uga hirgeliso doorasho qof iyo cod ah oo lagu wado inay bilaabato bisha soo aadan.

 sidoo kale waxa ay  ka soo hor jeedaan wax ka bedelkii lagu sameeyay cutubyo ka tirsan dastuurka KMG ah ee dalka, dhismaha guddiga doorashada, iyo xeerka xisbiyada.

Shirka mucaaradka ayaa ku soo aadaya xilli madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud uu dhowaan ku baaqay shir heer qaran ah, oo dhacaya, bisha Juun isla markaana looga hadlayo arrimaha doorashada iyo khilaafaadka ka dhaxeeya mucaaradka , qaar ka tirsan maamul gobolleedyada iyo madaxda dowladda federaalka ah.

Beesha caalamka ayaa dhowr jeer ugu baaqday dhinacyada Soomaalida ee isku haya arrimaha doorashadu ugu weyntahay in lagu xaliyo miiska wadahadalka, iyadoo aan la ogeyn ilaa iyo hadda in shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya ay ka qayb galayaan mucaaradka iyo madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland oo horey aan uga qayb gelin shirarkii Madasha Wadatashiga Qaran.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*