October 7, 2025

Sidee Looga Hortagaa Weerarada Alshabaab ? Aqoonyahan Mohamed Ali Jinow Takow (Oodane)

Waxa sii xoogeeysanaya Weerarada ay geeysanayaa Kooxda alshabaab  ayagoo isku soo xiraya Gawaari ay ka buuxaan Qaraxyo  ayaa waxaa talo soo jeedin bartiisa FBGA Ku soo qoray Aqoonyahan Dhalin yaro ah waana talo aad u wanaagsan in laga faaideeysto.

Mr Mohamed Ali Jinow Takow  (Oodane) 

Hoos ka aqriso

Si Xog Looga Helo Weerarada Gaadmada Ah Ee Al-Shabaab Kusoo Qaadaan Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka (CXD), Waxaa Loo Baahan Yahay Habab Sirdoon Iyo Difaac Isku Dhafan.
Qodobada Hoos Ku Xusan Ayaa Muhiim U Ah Helitaanka Xogta Iyo Ka Hortagga Weerarada:
1. Sirdoon Iyo Dabagal
1.1. Xog Ururin Hoose – Isticmaalka Basaasiin Gudaha Al-Shabaab Ku Dhex Jira.
2.1. La-socodka Isgaarsiintooda – Jebinta Fariimahooda Iyo la Socodka Dhaqdhaqaaqooda.
3.1. Dadka Deegaanka – Xog Ururin Laga Helo Dadka Deegaanka Ee Ka War Haya
Dhaqdhaqaaqyada Argagixisada.
2. Tiknoolojiyadda Sirdoonka
2.1. Drones & Kamarado Qarsoon – In La Adeegsado Diyaaradaha Aan Duuliyaha Lahayn Iyo Kaamerooyinka Sirdoonka.
2.2. Isgaarsiin La Socod – Dhageysiga Iyo Falanqeynta Isgaarsiinta Ay Adeegsadaan Dagaalyahanadooda.
3. Xoojinta Difaaca Iyo Fejignaanta
3.1. Dabagalka Dhaqdhaqaaqa Dagaalyahannada – Ka Kortagga Weerarada Iyadoo La Baaro Dhaq-dhaqaaqa Laga Dareemayo Goobaha Suurtagalka Ah.
3.2. Sirdoonka La Dagaalanka Argagixisada (Counter-Terrorism Intelligence) – Helidda Qorshahooda Kahor Inta Aysan Weerar Fulin.
3.3. Kor U Qaadida Heegan Sare – Saldhigyada Ciidanka Oo Heegan Sare La Geliyo Mar Kasta Oo Khatar Jirto.
4. Iskaashi La Leh Beesha Caalamka & Dadka Deegaanka
4.1. La shaqeynta Sirdoonka Caalamiga Ah – Ka Kaa’iidaysiga Xogaha Ay Bixiyaan Dalalka Saaxiibka La Ah Soomaaliya.
4.2. Dadka Deegaanka Oo Lagu Wacyi-geliyo Inay La Wadaagaan Xogaha Khatarta Ah – Dhiirrigelinta Dadka Si Ay U Keenaan Warbixinno Muhiim Ah.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*