October 7, 2025

Shirkii Cadale Maxaa Ka Soo baxay ?Iyo M/Weeyne Xasan Oo Agoonyar u Qeeybiyay 3 Qeeybood

Sid aan ognahay waxaa maalmo hore ka dhacay Shirar isdaba joog ah Degmada Cadale ee G/SH/DHexe shirkaas ayaa u dhaxeeyay madaxweeyne xasan iyo siyaasiyiin Mudulood qaar ka mid ah.

Madaxweeyne Xasan ayaa si gooni gooni ah ula kulmay Hogaamiyaasha dhaqanka , Siyaasiyiinta Culumaudiinka Iyo Macaawiisleeyda .,Sida loo sheegay warbaahinta waxaa la isku afgartay in laga Xureeyn doono Alshabaab Deegaanada G/SH/DHEXE Hase ahaatee ma muuqato. wax dib u xureeyn ah Waxaana sabab u ah Madaxweeyne Xasan asigoo ka Boodayo Maamulo Iyo Siyaasiyiin dalka u soo halgamay.

 

Dhanka kale Madaxweeyne Xasan ayaa ka dhex abuuray Waji Siyaasadeed oo cusub Mid ka mid ah Beelaha Mudullod Gaar ahaan Beesha Agoonyar. Waxaana uu u Qeeybiyay 3 kooxood Ujeedkiisa ayaa ah in uu ka dhex helo Mid ka mid ah  Koox Taageerta  Asigoo Doonayo in uu u isticmaalo Ninka ay sida Weeyn isku hayaan Siyaasada ee Madaxweeynihii Hore Somaliya Sheekh Shariif. Marka la gaaro   Doorashada 2026-

 

Madaxweeyne Xasan ayaa Dib u  Xasuusanaya Kaalintii uu Ku helay Xakunka ee aheeyd Ciidankii badbaado qaran  .Marka si aan asiga loogu isticmaalin Mid la mid ah Awoodaasi ayuu soo bilaabay in qaar ka mid ah Taliyal Ciidan Iyo Hogaamiyaal Siyaasadeed Oo ka soo jeeda Deegaanada G/SH/DHEXE in uu BUUL AMA HOWLGAB KA DHIGAY. Asigoo Ka Cunaqabateeyay Dhan kasto . 

Sidoo Kale Madaxweeyne Xasan ayaa u sameeyay Kulamo Gooni Gooni ah Beesha Agoonyar asigoo iska dhigaya in deegaanada laga xureeyo Alshabaab Hase ahaate Koox kasto Dhabarka ayuu ka taabtay Asigoo Yiri”Adiga ayaa Daacad ah ee shaqada Qabo oday hebel iska dhaaf”

Hase ahaate Sidii uu  u Qorsheeyay Madaxweeyne Xasan shiiq Ma u dhicin Oo Aheeyd Qeeybi ee Xakun .

Dhanka kale Siyaasiyiinta Iyo Waxgaradka Beesha Agoonyar ayaa ku fahmay Ciyaarta Siyaasadeed uu dheelayo Madaxweeyne Xasan Waxaana ay Goaan Ka Qaateen Habdhaqanka Xun uu Beesha Ka dhex wado. “Waa Nasiib daro In Madaxweeyne Somaliyeed in uu Siyaasad ka raadiyo kala fogeeynta Dad walaalo ah”

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*