October 7, 2025

Shirka Mucaaradka Oo Galay Maalintii Seddexaad Iyo Natiijada Oo Laga Filan karo

Shirka hoggaamiyeyaasha Mucaaradka ayaa galay maalintii Seddexaad, waxaana la filaya in maanta gelinka dambe ay Warmurtiyeedka ka soo saaraan shirkooda.

Maanta ayaa waxaa shirka ku soo biiray hoggaanka Haweenka Soomaaliyeed, waxay ka aragti dhiibanayaan fikirkooda ku aadan sida ugu haboon ee loogu heshiin karo doorashooyinka.

Sidoo kale Mucaaradka ayaa diidan hanaanka uu madaxweynaha ku wado ee ku aadan doorasho aan heshiis lagu aheyn iyo wax ka bedelka lagu sameeyay cutub ka mid ah Dastuurka dalka.

Kulamada marka ay dhammeeyaan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa lagu wadaa in ay soo saaraan Warmurtiyeedka culus oo lagu cadeynayo mowqifkooda siyaasadeed.

Dhanka kale Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ayaa indhaha ku hayso natiijada ka soo bixi doono shirka weli u socda hoggaamiyeyaasha Mucaaradka ah.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*