
Gudoomiyaha G/ Sh/ Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Wasiirka Wasaarada dib u hishiisiinta HirShabelle Cabdullaahi Cadde ayaa Gaaray Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe

Guddomiyaha G/SH/Dhexe Iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa ka furay shir dib u hishiisiin ah Oo u dhaxeeya Beelo Walaalo Oo ku dagaalamay deegaano hoostaga Degmada Warsheekh. ee G/SH/DHEXE.
Sidoo kale Shirka waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka HirShabelle Gudoomiyaasha Degmooyinka Warsheikh,Balcad ,laamaha amniga iyo Mas’uuliyiin kale
Kulankaasi ayaa la isku keenay shirka odoyaasha labda dhinac ee dirirtu dhexmartay
Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay labada dhinac in la qaato hishiis nabadeed si aysan uso noqon colaada ragaadisay dadka degan Gobolkan.
Si kastaba ha ahaatee dagaalada Qabiilka ayaa ah kuwa dhibaato ku haya beelaha walaalaha ah balse waxa aad moodaa mararka qaar in loo adeegsado arrimo siyaasadeed iyo mid dhaqaale.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag