Shaqaalaha ka howlgala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta sameeyay banaanbax lagu diidan yahay maamulka shirkadda Favori, oo gacanta ku haysa hawlaha garoonka.

Banaanbaxan ayaa yimid kadib markii ay shaqaalaha sheegeen in shirkaddu shaqada ka eriday 17 kamid ah shaqaalahooda Soomaaliyeed, iyagoo aan loo soo bandhigin sabab cad.
Shaqaalaha ayaa ku eedeeyay Shirkada Favori inay shaqaalaha Soomaaliyeed ku beddeleyso shaqaale ajnabi ah oo u dhashay dalka Turkiga.
Mid kamid ah shaqaalaha banaanbaxa ka qeyb galay ayaa sheegay:
“Waxaan ka shaqeynay garoonka sanado, haddana shirkaddu waxay naga saartay shaqo iyadoo aan wax sabab ah la sheegin, waxaana lagu beddelay dad ajnabi ah.”
Shaqaalaha ayaa dalbanaya in shaqaalaha laga ceyriyay dib loogu soo celiyo shaqada, islamarkaana la joojiyo siyaasadda lagu soo buuxinayo shaqaale shisheeye.
Ilaa hadda shirkadda Favori kama aysan hadlin eedeymaha loo soo jeediyay.
Banaanbaxan ayaa hakad ku keenay qaar kamid ah adeegyada garoonka, inkastoo amniga uu ahaa mid aad loo adkeeyay. Dowladda Soomaaliya weli faahfaahin kama aysan bixin arrinta.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag