
Guddiga Doorashada Golaha Wakiillada Waqooyi Bari ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashada Guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa, taas oo dhici doonta Agoosto 23, 2025.

Sida ku cad jadwalka, hawlaha doorashada ayaa u dhici doona sidan:-
Maalinta Beri oo Arbaca ah ayey bilaabaneysaa Qabashada Codsiyada Musharraxiinta iyo Diiwaangelinta, waxeyna ku egtahay Jimcaha oo 22 bishu tahay.
Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa kuxigeen waxey dhaceysaa 23 bisha oo Sabtida ah, isla maalintaad ayeyna musharrixiinta soo bandhiggi doonaan waxqabadkooda.
Guddigu waxey sidoo kale soo bandhigeen lacagaha laga doonayo musharrixiinta in ay bixiyaan isdiwaangelinta.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag