October 7, 2025

SAWIRO; weeraradii saakay Lagu Qaaday Israail Iyo Khasaraha Oo Sii Kordhaya

Wararka ayaa Sheegaya In Ay Sii kordhayaan Tirada dadka ku dhintay weeraradii saaka ka dhacay gudaha Israa’iil  ku dhawaad ilaa 5 qof, Waa sida ay ku warramayaan warbaahinta The Times of Israel iyo YNet News.

Wararka ayaa sheegaya in maydad cusub laga helay magaalada Petah Tikva, taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigtay 7 qof, kadib weeraradii gantaallada ee Iiraan maanta.

Waxaa hadda la xaqiijiyay in afar qof lagu dilay magaalada Petah Tikva, halka mid kalena lagu dilay magaalada Bnei Brak.

Sidoo kale Adeegga gurmadka degdegga ah ee Magen David Adom ayaa sheegay in 92 qof loola cararay isbitaallada, intooda badanna ay dhaawacyo kala duwan qabaan. Sidoo kale, 20 qof ayaa weli la la’yahay magaalada waqooyi ee Haifa kuwaasoo ku hoos jira burburka daaraha dumay.

Dhanka kale Ilaa 50 qof oo Israliyiin ah ayaa ku dhimatay in ka badan 1300 oo kalena wey ku dhaawacmeen tan iyo markii jimcihii ina dhafay ay bilowdeen weerarada sida ay sheegtay Israel hase ahaatee tirada dhimashada ayaa aad uga badan intaas, iyadoo Yuhuuda aan looga baran iney sheegaan khasaaraha rasmiga ah.

Dhinaca kale Iran ayaa ku hanjabtay in Dhulka laga qabsaday reer Falastiinuu noqon doonaa mid dib looga barakaco, ama meel aan lagu noolaan karin (Israa’iil).

Sarkaal ka tirsan ciidanka Iran , ayaa u sheegay telefishinka Al Mayadeen ; “Iran waxay dagaalkan ku jabisay kibirkii Israa’iil…. waxaan jebinay nidamayadooda difaac, waxaan qiyaastooda ka saarnay istaraatijiyda weerarradeena, tana waa inaan badalnay fikradii gobolka ka jirtay; inaan la beegsan karin xarumaha muhiimka ah ee Israa’iil… qof walba ha arko sida aan u gubnay oo aan u jebinay xisaabtii iyo xeeladdii istaraatiijiyadeed ee Israa’iil.”

      

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*