October 7, 2025

SAWIRO :Taliska Ciidanka NISA Oo Fashiliyay Qarax Shacabka Lagu Dhibaateyn Rabay

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya , ayaa maanta fashiliyay qarax miino oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka ku dhaqan degmada Baladxaawo.

Sidoo kale Qaraxan ciidamada fashiliyeen ayaa ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso ah , waxa ayna sheegeen saraakiisha amniga in xogta qaraxan ay lasoo wadaageen shacabka ku dhaqan Magaalada Balad Xaawo.

Dhanka kale Ciidanka NISA iyo kuwa booliiska ayaa degmada Balad Xaawo ka wada howlgallo ay ku baarayaan dadkii ka dambeeyay qaraxan ciidanka NISA maanta fashiliyeen.

Degmada Balad Xaawo waxaa marar badan ka dhacay qaraxyo miino oo waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah , waxaana qaraxyadan lagu eedeeyaa in ay geestaan kooxaha hubeysan ee dowladda kasoo horjeeda.

   

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*