November 20, 2025

Safiirka Soomaaliya ee Congo, Oo Waraaqihiisa Aqoonsiga Laga Aqbalay Iyo Madaxweynaha DRC ……

Safiirka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), Ilyas Cali Xasan, ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay waraaqihiisa aqoonsiga Madaxweynaha DRC, Félix Antoine Tshisekedi Tshilombo, munaasabad lagu qabtay Qasriga Qaranka ee magaalada Kinshasa.

Intii ay socotay xafladda guddoominta waraaqaha aqoonsiga, Danjire Ilyas ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha DRC iyo dowladda dalkaas soo dhoweynta diirran ee loo fidiyey, isaga oo si gaar ah ugu mahadnaqay taageerada ay shacabka iyo dowladda Congo siiyaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Safiirka ayaa sidoo kale Madaxweynaha DRC u diray hambalyo ku aaddan guusha ay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ku gaartay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo carabka ku adkeeyey in Soomaaliya oo xubin ka ah Golaha ay diyaar u tahay inay la shaqeyso Congo si ay uga wada shaqeeyaan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Sidoo kale Wuxuu soo jeediyey in la dhiso Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Congo si kor loogu qaado maalgashiga, ganacsiga iyo iskaashiga ganacsatada labada dal.

Dhanka  kale, Safiirka ayaa ku booriyey Madaxweynaha DRC in la fududeeyo bixinta rukhsadaha ganacsi iyo fiisayaasha, si loo xoojiyo isu socodka ganacsatada labada wadan, maadaama Soomaaliya iyo Congo ay xubin ka yihiin Ururka Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*