
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay qalinjebinta Cutubka gurmadka Degdegga ah ee Booliska Soomaaliyeed (Crisis Response Team) ee loo yaqaano Galayr.

“Waxaan halkan ka arkayaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo u heellan difaaca dalkooda iyo dadkooda. Ujeedadayadu waxa ay ahayd inaan dhisno cutub iskiis u taagan oo awood u leh inuu si degdeg ah uga jawaabo weerarrada argagixisada, si loo ilaaliyo muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Danjire Richard Riley.
Danjiruhu waxa kale oo uu xusay in taageerada ay Maraykanku bixiyaan aysan kaliya dan u ahayn Soomaaliya, balse sidoo kale ay ka mid tahay danaha qaranka Mareykanka, taas oo xoojinaysa amniga, awoodda iyo barwaaqada labada dal.
Si kastaba ha ahaatee dhismaha Ciidanka somaliyed ayaa u muuqda mid isku dhex yaac ah sababtoo dowlad kasto ee somaliya dano siyaasad ka leh waxa ay ku dhex abuurataa ciidamo waana arrin aad u dhib badan dhanka horumarinta ciidanka
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag