January 16, 2026

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda Oo Si Ku Meel Gaar ah u Joojisay bixinta Baasaboorka

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa soo saartay wargelin adeeg oo muhiim ah, taas oo ay ku ugu sheegayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Uganda inay muujiyaan dulqaad dheeraad ah, kaddib markii ay ciladi ku timid hannaanka soo saarista baasaboorka.

Qoraal ay Safaaraddu ku baahisay barteeda rasmiga ah ayay ku sheegtay in ay si ku meel gaar ah u hakisay bixinta baasaboorka, arrintaas oo ay ku sababaysay cillad ku timid nidaamka bixinta adeeggaas.

Safaaraddu waxay intaas ku dartay  in marka xaaladdu soo hagaagto dib loo bilaabi doono qabashada codsiyada iyo cusboonaysiinta baasaboorrada.

Safaaradda Soomaaliya ee Uganda ayaa muwaadiniinta ku boorrisay inay dulqaad muujiyaan mudada ay hakintu socato, kana feejignaadaan wararka aan la hubin, isla markaana ay la socdaan wararka rasmiga ah ee ka imanaya Safaaradda.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*