
R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war ka soo saaray dagaalka maanta ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Rag hubeysan uu ku dhexmarayo xaafada Horseed ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qoraalka ayaa u qornaa sidan:-
BISMILLAHI
Dhacdooyinka ka dhacay Tarabuunka, Degmada Hodan maanta waa musiibo qaran oo aan marnaba la aqbali karin. Ma aha wax laga aamuso in shacabka iyo maatada hub culus lagu beegsado, taas oo ka hor imanaysa bani’aadantinimada, sharciga iyo qiyamka ummadda Soomaaliyeed.
Waxaan u tacsiyadeynayaa intii ku dhimatay, inta dhaawaca ahna Allaha bogsiiyo.
Waxaan si adag u cambaareynayaa falalkan gurracan ee dhiigga shacabka lagu daadinayo. Waa waajib degdeg ah in shacabka ku nool Tarabuunka laga korqaado ciidanka wareerka ku ah.
Kuwa geystay falkaan foosha xun waa in sharciga la hor keenaa si caddaalad loo helo.
Waa In laga hortago in mar kale ay dhacaan Dhibkii maanta dhacay –
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag