
Wararka ayaa sheegaya in ay sii kordhayaa khasaaraha ka dhashay roob mahiigaan ah oo xalay si xoog leh uga da’ay magaalada Muqdisho. Roobka oo socday saacado badan ayaa sababay daadad xooggan oo ku fatahay xaafado badan, iyadoo laga dareemay saameyn xooggan gudaha caasimadda.

Roobka xalay da’ay ayaa sababay dhimashada dad rayid ah oo danyar u badan. Wararka rasmiga ah ee laga helayo degmada Xamarjajab ayaa sheegaya in gabar yar iyo ayeeyadeed ay ku geeriyoodeen kadib markii uu ku dumay gurigooda. Dhacdadan naxdinta leh ayaa dhacday markii guri ay degganaayeen ay dusha kaga dhacday dhismo kale oo deris la ahaa, taas oo ka dhalatay biyo fara badan oo jiiday darbiyo iyo tiirarkii guryaha.
Sidoo kale, wiil kale ayaa maydkiisa laga soo saaray god ku yaalla agagaarka laami yaraha Soobe, halkaas oo ay dadweyne badan isugu tageen dadaal gurmad ah. Dadka deegaanka ayaa sheegay in wiilkan uu la socday dad kale oo halkaas marayay, markii ay biyaha xooggan ee daadka ah u jiideen god qoto dheer.
Ilaa iyo hadda, wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in khasaaraha dhimasho uu gaarayo ku dhawaad 10 qof, iyadoo tirada dhaawacyada iyo burburka hantida ay intaas ka badan karto.
Guryo badan oo ku yaalla meelaha hooseeya ee Muqdisho, sida xaafadaha Wadajir, Dharkenley, Xamarweyne, Xamar jab jab, Yaaqshiid, Boondheere iyo Hodan, ayaa la sheegay in ay si buuxda u galeen biyaha, islamarkaana guryo badan ay burbureen. Dad badan oo danyar ah Ayaan xalay seexan, halka kuwo kalena ay xalay u hoydeen banaanka ama dugsiyo burbursan, sababo la xiriira daadadkii xoogga lahaa.
Saameynta roobka ayaa si weyn looga dareemayaa wadooyinka waaweyn ee magaalada, oo ay kamid yihiin isgoysyada Soobe, Banaadir, iyo wadada Maka Al-Mukarama. Biyo badan ayaa fadhiya laamiyada, taas oo keentay in gaadiidka dadweynaha uu hakad galo. Dad badan oo shaqooyinka u baxayay saaka ayaa ku adkaatay inay maraan waddooyinka ay biyuhu fadhiyaan.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha ay biyuhu saameeyeen, iyadoo ay jirto hakad ku yimid qaar kamid ah duulimaadyadii qorsheysnaa. Goobaha caafimaadka iyo dugsiyo qaar ah ayaa sidoo kale biyo la ciirciiraya.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Shacabka inay ka fogaadaan meelaha biya qabadka leh waxaana lafaray dhammaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka inay u gurmadaan shacabka ay sameeyeen biyaha gaar ahaan kuwa kunool guryaha qadiimiga ah.
Muqdisho ayaa mar kasta oo uu roob da’o la kulma dhibaatooyin soo noqnoqda, kuwaas oo salka ku haya tayo-xumida dhismayaasha, nidaam xumo ka jirta biyo mareennada, iyo la’aanta qorshe deegaan iyo kaabayaasha muhiimka ah.
Musiibada roobka xalay waxay markale muujisay baahida degdegga ah ee loo qabo qorshe qaran oo looga hortago dhibaatooyinka ka dhasha roobabka, lana dhiso kaabayaal casri ah oo u adkeysan kara isbedelka cimilada.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag