October 7, 2025

R/Wasarihii Hore Somaliya”Waa Nasiib Daro In AlSHABAAB ay Dib U soo noolaadaan”

R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu soo saaray waxaa ugu hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelada Dhexe, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada xoogga oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo Maleeshiyaadka Al-shabaaab.

R/wasaare Xamsa ayaa waxaa uu nasiib-darro ku tilmaamay deegaamada cusub ee kooxda Al-shabaab  dib uga qabsadeen ciidamada dawladda.

Akhri qoraal uu soo saaray R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Waxaa i damqisay in argagaxisadu ay maanta dib u qabsadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ay Ciidamada Qalabka-sida iyo halyeeyada deegaanku ka xoreeyeen 2 sano ka hor, ayna nooga shahiideen halyeeyo qaran oo naftooda qaaliga ah u huray xoreynta dadkooda iyo dalkooda.

Argagaxisadu waa caqabadda ugu wayn ee maanta hortaagan horumarka Soomaaliya, waxa ayna duullaan ku yihiin guud ahaan dadka iyo deegaannada Soomaaliyeed. Soomaalidu waa ul iyo diirkeed, waana fashil u soo hoyday qof kasta oo Soomaali ah mar kasta oo ay argagaxisadu naga qabsadaan taako ka mid ah dhulkeenna hooyo.

Haddaba, waxaan bulshada Soomaaliyeed uga digayaa in deegaan ay argagaxisadu la wareegeen loo fasiro fashil ku yimid qof, koox, ama beel gaar ah. Fasirkaasi waxa uu kala qeybinayaa bulshada, waxa uu kala dhantaalayaa midnimada umadda, waxa uuna u hiillo iyo dhiirrigelin u yahay argagaxisada arxanka daran.

Guulihii horay looga gaaray la dagaallanka argagaxisada iyo deegaannadii laga xoreeyay waxaa lagu xaqiijiyay wadajirka dadka Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba, taas oo tusaale nool u ah awoodda wadajirka iyo in midnimadu tahay jidka kaliya ee looga guuleysan karo argagaxisada.

Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa in uu qaato kaalin hoggaamineed oo uu ku samatabixinayo dadka iyo dalka, meel iska dhigo waxyaabihii sababay in lagu kala irdhoobo siyaasadda, dadka Soomaaliyeedna u fidiyo gogol qaran oo looga tashanayo samatabixinta dalka, si la isaga kaashado xoreynta dalka iyo ciribtirka khawaarijta.

Waxaan ku jirnaa tobanka dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxaan guud ahaan umadda Soomaaliyeed ku boorrinayaa in loo duceeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si aan kalahar lahaynna u garab istaagno Ciidamada Qalabka-sida iyo dadaallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.”

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*