October 7, 2025

R/Wasaarihii hore Somaliya Rooble “Wax aan shalay diiday yaan dadka dib loogu celin”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble,  ayaa ka hadlay hadallada la xiriira in Dowladdu ku adkeysay Baasaboorka Diblumaasiga Waxaana uu sheegay in saaxiibadiis qaar kamid ah oo safarkiisii  Koofurta Afrika kula qornaa ay u baaqdeen arrintaasi darteed.

Mar wax laga weeydiiyay Dhibaatadii lagu sameeyay  ayuu ku jawaabay sida tan” Ex R/Wasaare Rooble aniga waan ka  gaabsaday arrinkaasi in aan soo bandhigo waayo waa  arrimo abuuri kara rabshado ama buuq siyaasadeed sidaas awgeed marka uu Muqdisho dib ugu soo laabto ayaan kala hadli doonno Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Dad badan ayaa isoo weydiiyay wixii maalmahaan dhacayay ee Baraha Bulshada looga hadlayay, aniga fidnada kama shaqeeyo, wanaagga Ayaan ka shaqeeyaa, caqabado ayaa dhacay sida ay rabaan ha u dhacaan, laga soo billaabo 1dii bishaan ilaa 21ka oo aan Koofur Afrika imaanay waxa aan isku daynay in aan dhib geysan oo wixii dhacay aan duub-duub u laqno, wixii dhacay Soomaaliya marka aan ku laabano Ayaan xalin doonnaa”  Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya. Maxamed Xuseen Rooble

Sidoo kale  ayaa ku yiri  waa in aan  dalka dib loogu celin waxii uu shalay diiday oo loo fasiray muddo kororsigii Madaxweynihii Hore Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kuna qasbay in la aado Doorasho ugu dambeyn dalka ay ka dhacday.

  Ugu danbeeyntii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya   Maxamed Xuseen Rooble ayaa si cad u sheegay in marka uu dib ugu soo laabto Magaalada Muqdisho in uu la kulmayo Madaxda Dowladda Federaalka isla markaana uu kala hadlayo dhabbaha lagu socdo iyo wixii dhacay in aanay markale dib usoo laaban.

“Dowladda ay hoggaaminayaan Saaxiibadey waxa aan leeyanay wax aan shalay diiday yaan maanta dib loogu celin Dadka, marka aan Muqdisho tago saaxiibadey waan la kulmayaa, kuwa dhibka geystayna in aysan Dadku u dowladeen Ayaan rajeynayaa” Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*