January 15, 2026

R/Wasaare Xamze Oo Maanta u ambabaxay Dalka Marooko

R/ Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamze Cabdi Barre, ayaa saakay u ambo-baxay dalka Marooko, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Madasha sanadlaha ah ee MEdays.

Sidoo kale Madasha oo sanadkan ay ka soo qeybgalayaan 120 waddan, is lamarkaana uu martigelinayo Boqorka Marooko,

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamze Cabdi Barre, waxa uu ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka, dadaallada dowladdu ku xoojinayso amniga iyo dowladnimada.

MEdays oo sanadkan la qabanayo Shirkiisii 17-aad, ayaa waxa uu diiradda saaraya isbeddellada xawliga ku socda ee siyaasadda caalamka, mustaqbalka amniga, dhaqaalaha iyo isdhexgalka dalalka adduunka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*