November 4, 2025

R/Wasaare Xamze oo amar dul-dhigay madaxda hay’ada NIRA

Ra’iisul Wasaaraha  Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Kormeer degdeg ah ku tagay  mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka {NIRA} oo ku taala degmada Hodan ee gobolka Banaadir, isagoo faray madaxda hay’adda in dadka loo fududeeyo bixinta adeegga.

R/Wasaare Xamsa. Ayaa Yiri   “ Muuqaalka aan ka aragnay baraha bulshada ma ahan wax la aqbali karo, gabdhaha yaan lagu qasbin in habeenkii ay yimaadaan ama seexdaan banaanka, amnigooda ayay qatar ku tahay mana qurxoona, jadwalada shaqada badiya si culeysku u yaraado, in adeeegga loo fududeeyo bulshada ayaa muhiim ah”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray maamulka hay’adda in si loo fududeeyo adeegga la kala leexiyo kaar doonashada iyo qaadashada, oo qofka kaarka qaadanaya uusan u galin saf la mid ah midka marka uu doonanayo ee uu is diiwaan galinayo.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*