January 15, 2026

R/wasaare Xamse oo weerar Afka ah ku qaaday Benjamin Netanyahu

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay go’aanka la sheegay ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ee ku aaddan aqoonsiga Somaliland, iyadoo ku tilmaantay tallaabo mas’uuliyad-darro ah oo halis ku ah xasilloonida gobolka.

R/ Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo wareysi siiyay Al-Jazeera, ayaa sheegay in Israa’iil ay ahayd in ay aqoonsato dowladda Falastiin halkii ay ka qaadi lahayd go’aan muran iyo qalalaase hor leh ka abuuri kara Geeska Afrika.

R/Wasaaruhu wuxuu caddeeyay in Xukuumadda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda u diiddan yihiin aqoonsiga ay Israa’iil ku sheegtay Somaliland, isagoo ku adkeeyay in tallaabadaasi aysan wax sharci ah ku fadhiyin, isla markaana ay tahay weerar toos ah oo lagu qaaday madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*