October 27, 2025

R/ Wasaare Xamse Oo Kulan Kula qaatay Qaahira Wakiilka Midowga Yurub ee Qarada Afrika

R/Wasaaraha  Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Dr. Annette Weber, waxaana kulanka looga hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, taageerada amniga, iyo horumarka laga gaaray dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

R/Wasaaraha, ayaa intii uu kulanku socday waxa uu soo bandhigay guulaha ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran, muddadii saddexda sano ahayd ee la soo dhaafay, kuwaas oo ay kamid yihiin sugidda amniga caasimadda, la-dagaallanka Khawaarijta, dib-u-dhiska ciidanka Qaranka, horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda iyo tayeynta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, RWasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay dadaallada Xukuumadda ee ku aaddan xilliga kala-guurka AUSSOM iyo taageerada caalamiga ah ee loo baahan yahay.

Dhankeeda, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, Dr. Annette Weber, ayaa bogaadisay guulo wax ku-ool ah ee ay xaqiijisay xukuumaddu, muddadii la soo dhaafay, iyada oo xustay in Midowga Yurub uu sii xoojin doono taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*