October 7, 2025

R/Wasaare Xamsa “Soomaaliya waxay rabtaa in ay noqoto xarun muhiim ah oo isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya”

R/ Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad taariikhi ah ka jeediyay furitaanka Bandhigga 7aad ee Carabta iyo Shiinaha (China-Arab States Expo) ee lagu qabtay magaalada Yinchuan, ayaa soo bandhigay horumarka iyo fursadaha dalkeenna ka jira.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay qaadday waddo cusub oo horumarineed, taas oo diiradda lagu saarayo nabadda, amniga, dib-u-habeynta sharciyada, iyo dhiirrigelinta maalgashiga.

“Soomaaliya waxay rabtaa in ay noqoto xarun muhiim ah oo isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya, iyada oo ka faa’iideysaneysa kheyraadkeeda maadaama ay goob istiraatiiji ah dunida kaga taallo. Waxaana xoogga saareynaa iskaashiga dhinacyada tamarta, beeraha, kalluumeysiga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ganacsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha uu yahay mid xoogeysanaya, iyada oo uu kor u kacay 20% sanadkii la soo dhaafay ganacsiga labada dal.

R/Wasaare  Xamsa ayaa xusay in xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, uu yahay mid soo jireen ah isla markaana ay Soomaaliya tahay dalkii ugu horreeyay Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Shiinaha sanadkii 1960.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*