
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Adxaa.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa si gaar ah hambalyo ugu diray geesiyaasha Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca diinta, dalka iyo dadkooda, si ay u ciribtiraan Khawaarijta ee dhibaatada ku haysa dalkeenna.
Sidoo kale R/wasaare Xamsa ayaa shacabka ugu baaqay in ay is caawiyaan inta lagu jiro munaasabada ciidul Adxaa.
R/Wasaare Xamsa ayaa ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba Alle uga baryay nabad iyo baraare inay ku gaaraan ciiddan ciiddeeda kale .
“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay garab istaagaan, ayna caawiyaan dadka danyarta ah iyo kuwa jilicsan. Waa waajib ina saaran in aynu taageerno dadka baahan, gaar ahaan waayeelka, agoonta, iyo dadka dhibaateysan, waxaan idin xasuusinaya in loo baahanyahay xoojinta nabadda, is-dhexgalka bulshada iyo la-shaqaynta hey’adaha amniga, kana fogaanno wax kasta oo carqalad ku noqon kara xasilloonida dalka”. Ayuu yiri Raiisul Wasaare Xamza.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag