October 7, 2025

R/Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay qeyb ka mid ah Bulshada Gobolka Sanaag

R/Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag.
R/Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda-jira socdaalka nabadda iyo midnimada ayaa magaalada Laascaanood ee caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo, ayaa sheegay in loo baahan yahay xoojinta nabadda, midnimada, is-dhexgalka bulshada, dib- u heshiisiinta,iyo in ay doorkooda ka qaataan dagaalka Khawaarijta.
R/wasaare  Xamsa, oo tallooyin ka dhageystay odayaasha iyo wax-garadka gobolka Sanaag, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga wada-shaqeeyo dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo hirgalin lahaa amni iyo horumar, isaga oo xusay in kulamada uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada ay saldhig u yihiin hirgalinta midnimo buuxda oo dalkeenna la gaarsiiyo.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*