
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayey Hiigsiga Qarni-jirka 2060 oo ah aragtida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka Hiigsiga 2060 ayaa ka kooban 7 qorshe Qaran oo 5-sanadle ah, Hase ahaatee waxa uu diiradda saaraya sidii ay Soomaaliya ku noqon lahayd dal mideysan, xooggan, nabdoon, kana mid ah waddamada dakhliga dhexe meelaha sare kaga jira, marka la gaaro sanadka 2060.
Sidoo kale Shirka ayaa socon doona muddo saddex cisho ah waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre,wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, wakiillo ka socda Beesha Caalamka iyo marti-sharaf kale
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag