
R/Wasaraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo guddoomiyey Gogosha Wadatashiga Qaran oo maalintii 2-aad ka socota Muqdisho, ayaa ka warbixiyey Siyaasadda Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan dhinacyada midnimada, amniga, doorashooyinka, dhammeystirka Dastuurka, dowlad-dhiska dalka, horumarinta dhaqaalaha, iyo Qorshaha Qaran ee (NTP).

Sidoo kale Xamsa, ayaa tilmaamay in dalkeennu uu marayo marxalad muhiim ah oo loo baahan yahay in la adkeeyo wadajirka ummadda, si looga gudbo caqabadaha jira, isla markaana xal maangal ah loogu helo wax walba oo khilaaf ah.
R/Wasaaraha, ayaa u soo jeediyey ummadda Soomaaliyeed in ay u midoobaan ciribtirka Khawaarijta, hirgalinta doorashooyinka iyo qorsheyaasha waaweyn ee muhiimka u ah ee dowlad-dhiska dalkeenna.
“Caqabadaha na hortaaggan ma fududa, howsha noo taallana ma yara, dhinac waxaan ka wajahaynaa cadow halis ku ah diinteenna, dhaqankeenna, dowladnimadeenna iyo jiritaankeenna ummadeed. Ayuu yiri R/Wasaaraha oo intaas ku daray.
“Dhinaca kale waxaan ka wadnaa dhisidda dowlad dimuqraadi ah, oo leh dastuur dhammeystiran, iyo xaqiijinta midnimada iyo gobonnimada dalkeenna, sidaas darteed “gacanna cadowgeenna ayaan kula dagaaleynaa, gacanna Qaranka ayaan ku dhisaynaa”.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag