October 11, 2025

R/Wasaare Xamsa Barre Oo Magacaabay labo Agaasime Oo Cusub ee Wasaaradaha …..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee laba ka mid ah wasaaradaha muhiimka u ah horumarinta dalka.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu magacaabay, Faarax Cabdinuur Axmed – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, iyo  Mahdi Sheekh Cabdullaahi Cumar – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ee Soomaaliya.

Magacaabistan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa ku xoojinayso hufnaanta, hannaanka shaqo iyo dardar-gelinta howlaha wasaaradaha dowladda.

Labada mas’uul ee la magacaabay ayaa leh khibrad iyo aqoon u sahlaysa inay hoggaan iyo hanuun cusub u horseedaan wasaaradahooda, xilli dalka uu wajahayo baahi weyn oo la xiriirta dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda.

Waxaa lagu wadaa in agaasimeyaashan cusub ay si degdeg ah ula wareegaan xilalkooda, islamarkaana ay la yimaadaan qorshayaal wax ku ool ah oo lagu horumarinayo adeegyada ay wasaaradahoodu bixiyaan.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*