October 7, 2025

R/Wasaare Abiy Axmed: “Itoobiya Waa Gaari Doontaa Badda Cas Dadaal iyo Qorshe Qaran oo noo Degsan”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa si adag u sheegay in dalkiisa uu u baahan yahay in uu helo marin badeed, isaga oo ku tilmaamay in arrintaasi aysan ku imaan doonin hab baryo iyo codsi, balse ay u baahan tahay dadaal, qorshe cad iyo in la raaco sharciga.

 

Itoobiya ayaa ku howlan sidii ay u heli lahayd marin badeed oo ay ku dhisi karto deked u gaar ah iyo saldhig milatari, taasoo si weyn u saameyn doonta dhaqaalaha dalka oo si weyn ugu tiirsan derisyaashiisa si uu uga badbaado xaaladaha gudaha.

intii uu ka hadlayay munaasabadda furitaanka mashruuca gaaska dabiiciga ah ee Calub ee gobolka Soomaalida Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay in Itoobiya ay xaqiijin doonto lahaanshaha dekeddaheeda iyo in la gaaro dhammaan himilooyinka qaranka iyada oo loo marayo hawl adag, aan ahayn baryo iyo codsi, sida ay sheegtay warbaahinta Addis Standard.

“Sida la odhan jiray, ‘aragtidu waa rumaysnaan.’ Waxaan dhameystirnay mashruucan sida aan ballanqaadnay ka hor inta aan baarlamaanka dib u furmin,” ayuu yiri, isagoo ugu baaqay shacabka gaar ahaan kuwa uu ku tilmaamay “madow laga qariyey”  in ay aqoonsadaan horumarka Itoobiya. Isagoo kalsooni buuxda leh ayuu intaas ku daray, “Qofna naga horjoogi karin.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay go’aanka Itoobiya ee ku aaddan lahaanshaha dekedaha, ilaalinta nabadda, iyo gaarsiinta horumar iyada oo loo marayo shaqo adag iyo midnimo. Abiy Axmed ayaa ku guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel sanadkii 2019, balse muddo ayaa laga dhaleeceeyay doorkiisa arrimaha siyaasadda iyo amniga.

“Dhammaan rabitaannadayada waxaa lagu gaari doonaa dadaalka wadajirka ah ee shacabka Itoobiya, ma ahan baryo,” ayuu yiri, isagoo xusay in aanay jirin qaran si fudud u siin doona Itoobiya wixii ay xaqa u leedahay.

Mashruuca gaaska Calub, ayuu yiri, waa astaanta aragtida Itoobiya ee isku tiirsanaanta iyo mustaqbalka ku dhisan wadajir iyo dadaal. Bilowgii, Itoobiya waxay heshiis la gashay Maamulka Somaliland si ay u hesho marin badeed, balse tallaabadaas ayaa hakad gelisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedaysay in ay xadgudub ku hayso dhulkeeda, isla markaana ay ku xadgudbayso midnimada iyo madax-bannaanida dalka. Khilaafka diblomaasiyadeed ayaa waxaa dhex-dhexaadiyay Turkiga, kaasoo ku baaqay in la ilaaliyo kala dambeynta iyo xushmadda Geeska Afrika.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*