
R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay helitaanka Marin Badeed si buuxda ay u maamusho isla markaana ay ka howlgallaan Ciidamadii dhowaan ay soo tababarteen.

Abiy Ahmed ayaa beeniyay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Dekedda Casab ee Dalka horay uga go’ay ee Eretareeya uu doonayaan si ay u qabsadaan balse waxa uu carrabka ku dhuftay in aanay jirin wararkaasi.
Sidoo kale Waxa uu ka gaabsaday in uu faah-faahin ka bixiyo Halka ay ka raadinayaan Marinka Badda Maadaama dhinaca Soomaaliya ay horay isugu qabteen,ayna is mari waayeen
Dhanka kale Dowlada Jabuutina ayadana wey ka diideen Dekeddii ay hore ugu ballanqaaday hase ahaatee waxa uu sheegay in dekeda Eretareeyana uu iska fogeeyay in awood ku qabsanayo.
dalka Itoobiya oo Bulshadeedu sii korortay sanadihii lasoo dhaafay waxa ay qiimeyn ku heysay meelo badan oo ay ka heli karto marin badeed, waxa ay tababaratay Ciidamo Bad oo heysta qalab iyo Gaadiid u gaar ah, taasi waxa ay abuurtay xiisad Xooggan.
“Itoobiya waxaa ka go’an in ay hesho Marin Badeed, kuma raadineyso dhabbe colaadeed balse hannaan wanaagsan Ayaan u mareynaa, dabcan cidna duullaan kuma nihiin” Sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Dhinaca kale Dowlada Eretareeya ayaa dhowaan Ciidamo badan oo aad u hubeysan dhigtay Xadka ay la wadaagto Itoobiya, tallaabadaas waxa ay dhalisay shaki la xiriira suuragalnimada dagaal dhexmari kara labadaan Dowlad oo muranka Dekedda Casab darteed khasaara xooggan isku gaarsiiyay.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag