
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Jeneraal Tadesse Werede u magacaabay inuu noqdo Madaxweynaha Kumeel gaarka ah ee maamulka gobolka Tigray.

Janaral Tadesse Worede oo hogaaminayay dagaalyahanada Tigray intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Itoobiya ayaa loo magacaabay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee gobolka Tigray. Waxaa uu xilka kala wareegayaa Getachew Reda oo isagu ku eedeeyay xisbiga TPLF inay doonayeen inay xilka ka tuuraan.
Xisbiga TPLF ayaa dhexdeeda waxaa soo wajahay kala qaybsanaan iyo sii xumaanshaha xiriirkooda iyo xiisada gobolka ee kala dhaxaysa Ereteriya
General Tadesse Waxaa uu laba sano madaxweyne ku xigeen ka ahaa maamulkii ku meel gaarka ahaa ee lagu dhisay heshiiskii Pretoria.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag