January 15, 2026

R/Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed Oo Gaaray Dalka Jabuuti

R/Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa saaka gaaray magaalada Jabuuti, halkaas oo si rasmi ah uu ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa la filayaa inay diiradda saarto xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli gobolka uu wajahayo xiisad siyaasadeed oo maraysa marxalad isbeddel iyo isku guurguur ah.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*