October 7, 2025

R/W Xamsa Oo Ka Hadlay mashaariic ay fulinayaan Talyaaniga laga Hirgelin Doono Dowlad Goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya oo ay hirgelintiisa Soomaaliya ka taageereyso Dowladda Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay mid horumarineed oo ku saleysan qorshaha Qaran ee dowladda, isla markaana uu wax weyn ka tari doono tayeynta adeegyada aasaasiga ah iyo horumarinta deegaannada laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta.

Dhanka kale Intii uu kulanka socday, waxa uu guddigu ansixiyay saddexdii mashruuc ee ugu horreyey ee hoos yimaada barnaamijka TPSS – kuwaas oo dhammaantood diiradda saaraya xoojinta nidaamka caafimaadka aasaasiga ah ee Soomaaliya, lagana hirgelin doono deegaannada Konfur Galbeed .Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle.

Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya ee (TPSS), waxaa maalgelinaya Dowladda Talyaaniga, waxaana hirgelinaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. iyada oo shirka uu guddigu maanta yeeshey uu ka qeyb galay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya H.E. Pier Mario Daccò Coppi. 

Si kastaba ha ahaate Mashruuca uu  sheegay R/Wassare xamza waxa ka faaideysanaya  Maamulada Galmudug.KonfurGalbeed Iyo Jubbaland Halka Maamulka HirShabeelle ay ku dhacayaa Xafiiska R/Wasaaraha Maadaama Mashaariic ka Horeeysay aan hore looga faaideeynin shacabka HirShabelle  Sida aan Xogta Ku Helno Waxa ay Ku Dhacaan Xafiisyada Dowlada Iyo Beesha Caalamka ee Taageera Somaliya,

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*