January 16, 2026

Qaraxyo Lagu Weeraray Maraakiib uu Leeyahay Ruushka Oo Marayay Xeebaha Turkiga.

Sida ay sheegayaa Hay’adaha badda ee Turkiga  in qaraxyo ay ka dhaceen laba markab oo ah nooca saliidda xambaara oo ku sii jeeday dalka Ruushka, kuwaas oo dab ka kacay kadib qaraxyo ka dhacay. Mid ka mid ah maraakiibtan wuxuu ku safrayay waqooyiga Biyogga Bosphorus markii qaraxu dhacay.

Markabka labaad waxaa la sheegay inuu marayay bariga badda Madow markii qaraxu uu isna haleelay.

Sidoo kale Hay’aduhu waxay sheegayaan in maraakiibtaan laga yaabo in lagu weeraray diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drone-ka loo yaqaan. Labadaba waxay ku jiraan liiska maraakiibta cunaqabataynta lagu soo rogay kadib markii Ruushku duullaanka ku qaaday Ukraine sannadkii 2022-ka.

Shaqaalaha labada markab saarnaa waa la badbaadiyay, sida wararku sheegayaan.

Dhanka kale Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in mid ka mid ah maraakiibta uu weli dab ka holcayo. Dowladda Turkiga ayaa u gurmatay iyadoo weli howshu ay socoto

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*