
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare kala duwan geystay oo maanta ka dhacay xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay askar ka tirsan ciidanka dowladda oo marayay meel u dhaw barkoontarool oo ku taala xaafada Suuqa Xoolaha.
Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa howlgal kooban sameeyay goobta, iyagoo xiray mudo saacad ku dhaw isku socodka iyo dhaqdhaqaaqa wadada isku xirta Sos iyo Suuqa Xoolaha, inkastoo mudo kadib ay dib u fasaxeen isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amaanka oo ku aadan weerarka qaraxa ah iyo howlgalka xigay oo ay sameeyeen ciidamada dowlada Soomaaliya.
Ugu dambeyntii qaraxaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay sidaan oo kale uu qarax khasaare kala duwan geystay uga dhacay deegaanka Jabad Geelle oo ka mid ah deegaanada hoostaga Ceelasha Biyaha ee dhacda duleedka magaalada Muqdisho.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag