October 7, 2025

Pakistaan Oo Weerar Diyaradeed Ku Qaaday India Kuna Bur burisay Nidaamka Difaaca India

A RAF Reaper UAV (Unmanned Aerial Vehicle) is pictured airborne over Afghanistan during Operation Herrick. It is armed with a full complement of two GBU-12 226kg (500lb) laser-guided bombs and four Lockheed Martin AGM-114P Hellfire air-to-surface missiles. The MQ-9 Reaper is a medium-to-high altitude, long endurance remotely piloted aircraft system. The MQ-9's primary mission is to act as an intelligence, surveillance and reconnaissance (ISR) asset, employing sensors to provide real-time data to commanders and intelligence specialists at all levels.

Wararka ayaa sheegaya in Diyaaradaha dagaalka ee Pakistan , ay weeraro culus oo dhinaca cirka ah ka fuliyeen  bartilmaameedyo kuyaalla dalka India, waxa ayna diyaaradaha si gaar ah u duqeeyeen saldhigyo milatari oo laga soo abaabulay weerarkii habeenno kahor India ku qaaday Pakistan.

War-saxaafadeed kasoo baxay milatariga Pakistan, ayaa lagu shaaciyay in diyaaradda JF-17 Thunder  lagu burburiyay mid ka mid ah nidaamyada difaaci adduunka ugu wanaagsan ee S-400 oo Ruushka uu soo saaro, waxaana  si wadajir ah u sameeyay  diyaaradahaasi Pakistan iyo  Shiinaha.

Nidaamka difaaca Ruushka soo saaro ee S-400 , waxa uu kamid yahya kuwa ugu wannaagsan ee xilligan , balse  waxaa hadda ceeb lasoo daristay nidaamkan difaaca ah oo India ku guuldareestay in ay uga hortgato weerarka ka yimid dhinaca Pakistan.

Sida ay baahiyeen warabaahinta caalamka qaarkood sheegeen nidaamka difaaca ee S-400, ayaa Indiaa ugu fadhiya lacag gaareysa 1.6 bilyan oo dollar , waana kan kaliya ee ugu sarreeya nidaamka difaaca ee ay heysato India iyo xataa Ruushka .

dhanka kale Afhayeen u hadlay ciidamada India , ayaa sheegay in aysan jirin warka Pakistan ay ku sheegatay burburinta nidaamka difaac ee S-400 ,hasa ahaatee milatariga dalka Pakistan ayaa dhankooda shaaciyay  in ay gacanta ku hayaan caddeymo ku filin burburinta nidaamka S-400 ee India adeegsaneysay.

Howlgalka nidaamka difaaca S-400  lagu burburiyay ayaa ka dhacay saldhig ku yaalla magaalada Jalandhar, gobolka Punjab ee Hindiya,

Sidoo kale  Hadii uu  warkan Run naqdo Waxaa  ceeb iyo fadeexad la kulmi doona nidaamkan difaac ee Ruushka uu sameeyay. Iyo Istimaalka Dowlada India

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*