October 7, 2025

Nin Dhalinyaro ah Oo Lagu Dilay Deegaano ka Tirsan Degmada Afbarwaaqo ee G/Mudug

Wararka ayaa sheegaya  Degaan ka Tirsan  degmada Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug lagu dilay Ganacsade AUN C/fitaax ceynaanshe Xaashi oo kamid ahaa dad halkaas ka waday qodida waro lagu keydiyo biyaha.

Qofka dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal, ku sugan Afbarwaaqo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay ku raad joogaan maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilka loo geystay Marxuumka.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Degmada Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug.

Gobolka Mudug ayaa muddooyinkii dambe wajahaya dilal loo geysano dadka dhacabka, dagaal beeleedyo soo noqnoqday oo u dhexeeya beelaha wada dega gobolka, kuwaasi oo dhaawacaya dadaalladii nabadda ee ay wadeen Dowladda Federaalka iyo Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Inta badan colaadaha ka dhacaya Mudug waxay salka ku hayaan muranka dhulka daaqsimeed, ceelal biyo, iyo aargoosi qabiil oo ka dhashay dhacdooyin hore oo aan si rasmi ah loo xallin. Hubka gacanta shacabka ku jira ayaa door weyn ka qaadanaya hurinta colaadaha.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*