October 7, 2025

Jab xooggan oo Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalo ka dhacay degmada Al-kowsar iyo nawaaxigeeda

Wararka laga helayo deegaanada dhanka waqooyi bari ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay Argagixisada Shabaa  dagaalo culus oo ka dhacay degmada Al-kowsar iyo nawaaxigeeda.

Ciidanka deegaanka oo ay wehliyaan Guutooyinka Ciidanka xoogga dalka Gorgor iyo Ilaalo Qaran ayaa cashar u dhigay Argagixisada, dagaal dhowr jeer la isku noqday.

Saraakiisha ciidanka ayaa soo warinaya in meydadka khawaarijta uu yaalo daafaha deegaanka, ayna tahay markii labaad oo khasaare culus la gaarsiiyo muddo shan maalmood.

Dagaal kale oo ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka saakay ka galeen dhanka bariga Gobolka Hiiraan ayay ku fashiliyeen Argagixisada, khasaare xooggan gaarsiiyay.

Isku dayga maalmahan ee Argagixisada ayaa ahaa in deegaano horay looga xorreeyay ay dib u qabsadaan si ay isugu furaan deegaanada Galbeed, illaa waqooyi bari, si ay maleeshiyaad iyo saanado ugu soo gudbiyaan dhanka Gobolada Dhexe oo si weyn ay u go’doomiyeen ciidamada amniga.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*