October 7, 2025

Netanyahu Oo Yiri” Falastiin Waligeed Dowlad Ma Noqonayso

R/Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku eedeeyay dalalka reer galbeedka ee dhowaan aqoonsaday Falastiin inay “ammaanayaan argagixiso”. Wuxuu ku adkeystay in Falastiiniyiintu aysan waligood yeelan doonin dowlad, isagoo ballan qaaday in Israa’iil ay ka jawaabi doonto go’aankaas.

Britain, Canada, Australia iyo Portugal ayaa si rasmi ah u aqoonsaday Falastiin, halka waddamo kale oo ay ka mid yihiin Faransiiska la filayo inay ku dhawaaqaan taageeradooda toddobaadkan inta lagu guda jiro shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York.

Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas, ayaa sheegay in tallaabadan ay ka dhigan tahay jid loo qaaday nabad waarta oo gobolka ah, halka Mareykanka uu ku tilmaamay go’aanka “mid soo jiidasho leh”.

Wararka ka imaanaya Qasa ayaa sheegaya in 71 qof oo Falastiini ah lagu dilay weerarro Axaddii dhacay, taasoo sii kordhinaysa cadaadiska caalamiga ah ee lagu saarayo Israa’iil.

Go’aanka afarta waddan ayaa ku biiraya in ka badan 140 dal oo horey u aqoonsaday Falastiin, taasoo xoojinaysa dadaallada lagu doonayo in la aasaaso dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*