November 3, 2025

Mxakamada Ciidamada Jubaland oo xukun dil ah ku riday askari ka tirsan Nabad Sugida maamulkaas

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa maanta u fariisatay ku dhawaaqista kiis uu eedeysane ka ahaa Cabdiqaadir Maxamuud Xasan, oo ka tirsanaa hay’adda Nabadsugidda Jubbaland, kaas oo lagu eedeeyay dilka Aadan Maxamed Madey.

Fadhiga maxkamadda waxaa goob joog ka ahaa ehellada labada dhinac ee marxuumka iyo eedeysanaha. Iyadoo kiiskan ay maxkamadda y fariisatay labo mar oo hore fadhiguu u dambeeyay ee maanta maxkamadda ayaa soo saartay xukunka kiiska, waxaana xukunka ku dhawaaqay Gaashaanle Dhexe Cabdiaziz Maxamed Dhagajuun.

Ehellada labada dhinac oo hadlay xukunka kadib ayaa sheegay inay ku qanceen xukunka  dilka ah ay soo saartay maxkamadda ciidamada Jubbaland.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*