January 15, 2026

Muxuu Yahay Sharciga La Isku Heeyso uu Maanta Gollaha Shacabka Somaliyeed uu Meel Mariyay?

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa koowaad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana sidoo kale ka qeyb galay guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

 kooramka kulanka Ayaa  ku furmay 145-Xildhibaan 

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa uu shahaado sharaf guddoonsiiyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh oo ku muteystay soo xaadiritaanka kulamada guud ee Golaha Iyo Xildhibaan Guuleed Biixi oo ku muteystay inuu yahay Xildhibaanka keliya ee leh xafiis dadweyne, waxaana Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu ku amaanay sida ay uga soo dhalaaleen metelaadooda.

Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa guda galay ajendaha kulanka oo ahaa akhrinta labaad iyo u codeynta Axdiga Afrika ee Xaquuqda iyo Baraaraha Caruurta.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo cod u qaaday Axdiga Afrika ee Xaquuqda iyo Baraaraha Caruurta ayaa waxaa ogolaatay 130-Xildhibaan 10-Xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamustay shan Xildhibaan.

Dhinaca kale waxaa dib loo celiyay Heshiiska Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AFCFTA) iyo Heshiiska Xubinimada Suuqa Ganacsiga Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) ka dib markii Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka iyo Guddiga Ganacsiga iyo dhaqaalaha ay codsadeen in ay dib ula laabtaan si ay uga soo shaqeeyaan arrimo farsamo oo heshiiskan la xiriirta dibna Golaha ugu soo celiyaan, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Guddiga Ganacsiga iyo Dhaqaalaha uu amray in heshiiskan dib Golaha ugu soo celiyaan maadaamaa mudo badan Golaha horyaalo.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*