November 6, 2025

Muxuu Yahay Safarka Qarsoodiga ah uu Madaxweyne Xasan ku tagay dalka Itoobiya?

Warar soo baxaya ayaa sheegaysa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu saaka waaberigii hore gaaray magaalada Addis Ababa, caasimadda dalka Itoobiya.

Safarka Madaxweynaha ayaa ahaa mid si weyn loo qariyey, iyadoo aysan jirin mas’uuliyiin dowladeed oo safarkiisa ku wehelinayey. Wararka la helayo waxay xaqiijinayaan in Madaxweyne Xasan uu ku tegay diyaarad gaar ah, waxaana la socday Kaaliyihiisa gaarka ah, Madaxa hab-maamuuska Madaxtooyada, iyo ciidan yar oo ilaalo ah.

Sidoo kale, ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa aan la ogeysiin safarkan, taasoo muujineysa heerka sirta iyo muhiimadda uu leeyahay socdaalkan.

Dhinaca kale Markii uu gaaray garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa, Madaxweynaha waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, waxaana haatan labada dhinac u socda kulamo gaar ah oo aan faahfaahintooda si rasmi ah loo shaacin.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*