Dowladda Itoobiya ayaa go’aan culus ka soo saartay safarada dibadda ee mas’uuliyiinta dowlad-goboleedyada iyo saraakiisha dowladda, iyagoo ku soo rogay xayiraad adag.

Hadda wixii ka dambeeya, wasiirrada xukuumadda iyo madaxda maamulada waa inay ogolaansho rasmi ah ka helaan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya si ay dalka dibadiisa uga safraan.
Tallaabadan, ayaa loogu talagalay in lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaq kasta oo siyaasadeed oo laga maleegi karo dibadda. Waxa kale oo ay dowladdu sheegtay in arrintani tahay qorshe lagu yareynayo safarrada aan muhiimka ahayn ee mas’uuliyiintu ku tagaan waddamada kale.
Sidoo kale Waxaa Wanaagsanaan laheeyd in Dowlada Soomaaliya ay qaado tallaabo la mid ah tan Itoobiya si ay u xadido safarada macno darada ah ee madaxda maamul goboleedyada iyo wasiirrada xukuumada ay ku safrayaan dibeda
Waxaa jira hadal heyn ballaaran oo ah in mas’uuliyiinta qaarkood ay safarro joogto ah ku tagaan Nairobi, Istanbul iyo magaalooyin kale, iyaga oo inta badan u socda arrimo shaqsiyeed sida shopping-ka iyo nasasho maalmaha fasaxa iyo xitaa mararka qaarkood shirar ka dhan ah DFS ay ka qeeyb galaan,.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag