October 7, 2025

Muxuu Xanbaarsan yahay Safarka R/Wasaare Xamse ee Magaalada Laascaano?

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in R/ Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya aay socdaal  aan ajandihiisa la shaacin ku tagi doonaan maalmaha nagu soo aadan  magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo.

Magaalada Laascaanood oo ah magaalo ay dadkeedu si xoogan uga soo horjeedaan kala go’a  Soomaaliya ayaa sannadihii u danbeeyay waxaa ka socday dagaallo u dhaxeeyay maamulada Somaliland iyo SSC Khaatumo, kuwaasi oo ay dad badan ku geeriyoodeen.

 Ra’sul Wasaare Xamse  Booqashada la sheegay in uu ku tagayo magaaladda Laascaanood ayaa  ku soo aadaysaa waqti xasaasi ah hase ahaatee waxaa soo baxaya warar xoogan oo sheegaya in Soomaaliland ay aqoosi ka heli karto dawlado waawayn oo uu Maraykanku ugu horeeyo.

wararkan ayaa aad u xoogaysatay kadib markii 16-ka bishii la soo dhaafay ee ay soo baxday warqad  dowladda Soomaaliya u dirtay Maraykanka taas oo aay ugu balan qaadayso in ay ku wareejinayso maamulka Dekado iyo Saldhig Milatery oo stratiiji ah, halka Maraykankana laga doonayo in uu ilaaliyo midnimada dawladda kana baaqsaddo in uu  Somaliland u aqoonsaado  dawlad madax banaaan.

Magaaladda Laascaanood oo ah magaalo kaalin muhiima uga jirta midnimadda dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa sababaha uu R/mwasaare Xamse u booqanayo in ay ku jiraan sababo la xiriira ilaalinta midnimadda Soomaaliya iyo ka hortaga aqoonsi uu helo maamulka Somaliland, inkasta oo aan la cadayn karin ajandaha saxda ah ee uu daaranyahay socdaalka la filayo ee Raiisul Wasaare Xamse.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*