
Wararka ayaa sheegaya in Weerar hoobiyeyaal ah uu ka dhacay agagaarka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho sida ay dadka deegaanka sheegeen .

Dhowr Hoobiye oo lagu soo tuuray Meel u dhaw gudaha xerada xalane Sidoo kale waxaa la sheegay in ay gaarayaan Ku dhawaad 4 hoobiye .
Sidoo kale Dadka goob jooggayaal ah ayaa soo wariyay in hoobiyeyaashu ay ku dhaceen dhowr meelood oo kala duwan.
Dhanka kale Wali Si rasmi ah looma ogaan karo khasaaraha ka dhashay maadaama goobta ay wax ku dhaceen durbadiiba ay xireen Ciidanka Amaanka.
Sidoo kale Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay taliska Midowga Afrika ee AUSSOM iyo Ciidanka Booliska a Soomaaliyeed.
Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowr mar weeraro sidan oo kale ah ku qaaday gudaha xerada Xalane.
Xalane waa xero ciidan oo ay ku yaalaan xarumo muhiim ah, sida safaarado, xarumo hay’ado caalami ah iyo kuwa amni oo ay leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM.
Si kastaba ha ahaatee waxaa moodaa in weerarada ku soo kordhayo muqdisho in la doonayo in lagu wiiqa awooda nabad gelyo ee caasimada Muqdisho waxaana jira dowlado Iyo Shaqsiyaad ka soo horjeeda in somaliya ay nabad naqto-
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag